Baarlamaanka oo u yeeray saraakiisha Kenya Power

0
416

Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha tamarta ayaa u yeeray qaar ka mid ah saraakiisha shirkadda korontada wadanka ee Kenya Power.
Waxaa su’aalo laga weydiin doonaa qandaraasyo la sheegay inay ku bixiyeen qaab aan habbooneyn.
Shalay ayay ahayd markii baarlamaanka uu dib u dhigay kulan lala yeelan lahaa howlwadeenada shirkadda.
Tani ayaa timid ka dib markii hal mas’uul ah keliya uu baarlamaanka hor tagay waxayna xildhibaanada dalbadeen in xubnaha kale ay isa soo xaadiriyaan.
Mas’uuliyiinta su’aalaha la weydiin doono ayaa ka tirsan guddiga maamulo shirkadda Kenya Power waxayna ka kooban yihiin 10 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here