SHARE

Daafaca u dheela kooxda Real Madrid uuna dhashay waddanka Spain ayaa waxa u dhaawac soo gaaray xili u waddankiisa u matalaayay ciyaaraha loogu soo baxaayay koobka adduunka ee sanadka 2018-ka ka dhici doona waddanka Ruushka.
Ciyaaryahankan ayaa waxa u isaga baxay kulanka u xulkiisa ku wajahaayay xulka Albania waxana badalay ciyaaryahanka Inigo Martinez,Kulankaas ayaa ku soo dhamaaday guul u xulkiisa gaaray waxana ay Albania kaga guuleeysten 2 gool iyo eber waxana goolashaasi u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Diego Costa oo goolka 1-aad dhaliyay daqiiqadi 55-aad halka goolka labaadna u dhaliyay Nolito daqiiqadi 63-aad.
Dhaawaca soo gaaray daafacaas ayaa dharbaxa ku noqon doona kooxdiisa Real Madrid iyado ay kooxdaasi horey dhaawac uga maqnaayen ciyaaryahanada kala ah Marcelo, Casemiro iyo Luka Modric.