SHARE

Maanta oo axad ah ayaa waxaa kulan wada qaatay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee wadanka Mareykanka waxaana u kulankaas ka dhacay magaala madaxada wadanka Shiinaha ee Beijing.

Labadaan masuul ayaa kadib kulankaas waxaa ay la hadleen bahda saxaafada iyagoona ballanqaaday in ay si dhow u wada shaqeyn doonaan ayna sidoo kale xoojin doonaan xiriirka labada dal ka  dhexeeyo.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee wadanka Mareykanka  Rex TIllerson ayaa kulankiisa ugu horeeyay ee fool ka fool ah ee u la yeeshay hogaamiyaasha Shiinaha ballanqaaday in xukumadda Washington ay si dhow u la shaqeyn doonto shiinaha   si ay si wadajir ah ugu wajahaan khatarta ka dhalan karto barnaamijka Kuuriyada waqoyi ay ku sameeysaneeyso hubka khatarta weyn leh ee Nukliyeerka.

Horay ayuu madaxweyne Trump ugu eedeeyay xukumadda Beijing in aysan wax ka qabanin dandaansiga wadanka dariska  ay yihiin ee Kuuriyada waqoyi oo u ku tilmaamay wadan aan damiir lahayn balse xukumada Beijing ayaa islamarkiiba gaashanka u daruurtay eedeynta Trump iyadoona sheegtay in Mareykanka u doonaayo in wadamada bariga dhexe u dagaal ka dhex qarxo.

Kuuriyada Konfureed oo u Mareykanka u arko caaqabad ayaa bilowday  in ay tijaabiso  gantalkii  ugu horeeyay abid sanadkii 2006-dii waxaana u wadankaan kurajaweynyahay in u noqdo wadanka ugu quuwada weyn caalamka.