SHARE

Ciidamada dowlada sudaanta koonfureed ayaa gacanta ku dhigay saldhig ay leeyihiin falaagada wadankaasi ka dagaalanto oo ku yaalo magaalada Pagak ee xigta xadka kala qeybiyo dalkaasi iyo Itoobiya.
Talaabadaasi ayaa keentay in kumanaan qof oo shacab ah ay guriyahooda ka barakacaan.
Afhayeenka ciidamada difaaca ee sudaanta koonfureed Lam Paul Gabriel ayaa ka dhawaajiyay in xoogaga falaagada ay isaga carareen magaaladaasi kadib markii la weeraray.