SHARE

Ciidamadda difaaca dalka ee KDF-ta ayaa sheegay in aysan wax door ah ka dheeli doonin howlaha sugida amniga ee doorashada guud ee dalkan Kenya ka dhaceeyso maanta oo talaada ah waxaana tan ay keentay in NASA ay meesha ka saarto eedeymihii ay horay ugu jeedisay ciidamadda difaaca dalka ee KDF-ta ee ahaa in xukumadda talada dalka heeysa ee Jubilee ay qorsheyneeyso in ay adeegsato ciidamadda difaaca dalka ee KDF-ta si ay ugu shubato codadka dadka Kenyaanka ah ay ka dhiiban doonaan doorashada maanta dalka ka dhaceeyso.
NASA ayaa horey maxkamdda uu geeysay dacwada ka dhan ah ciidamadda difaaca dalka ee KDF-ta iyadoona maxkamadda ka codsatay in ay is hor istaagto in la howlgaliyo ciidamadda difaaca dalka ee KDF-ta.
Hoggaamiyeyaasha Nasa ayaa horay ugu andacoonaayay in ay sharci daro ay tahay in ciidamadda difaaca dalka la howlgaliyo iyago aan oggolaansho ka heeysanin baarlamaanka dalka.