SHARE

Madaxwaynaha dalka Nigeria Muxammadu Buhari oo in mudo ah howlo caafimaad ugu maqnaa magaalada London ee ingiriiska ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaladdiisa caafimaad.
Bayaan uu soo saray ayuu Mr. Buhari ku sheegay in xaaladiisa caafimaad ay si aad ah u soo hagaagayso.
Madaxwaynaha ayaa intaa ku daray in inkastoo uu dalka dib ugu laaban karo,ay wali go’aanka leeyihiin dhaqatiirta oo ay tahay in uu amarkooda qaato.
Mudadii uu hogaamiyaha ugu sareeya Nigeriya dalka ka maqnaa ayaa waxaa jirtay xasarad ka dhalatay maqnaanshihiisa isagoo loogu baaqay in uu wadanka dib ugu soo laabto ama uu iscasilo.
Madaxweyne Buhari ayaa markii labaad daryeel caafimaad u joogo London hasa ahaate Ilaa iyo hada shaaca lagama qaadin waxa uu yahay xanuunka madaxwaynaha.