SHARE

Ugu yaraan 45 qof ayaa tan iyo bishi janaayo ee sanadkan gobolka Rift Valley ee dalkani Kenya ugu dhintay shilalka wadooyinka.
Macluumadka ciidamada wadooyinka ee gobolkaasi ayaa muujinaya in tan iyo bilowgii sanadkan 664 dhacdooyin oo shilal ah la diiwangeliyay.
813 qof oo dheeraad ah ayaa shilalkaasi ku dhaawacmay halka 16 ka mid ah ay soo gareen dhaawacyo halis ah.
Bishii todobaad ee July iyo August ee sanadkan, 112 qof ayay shilal kala duwan nooloshoodu galafteen.
Taliyaha ciidamada taraafikada ee degaanka Londiani Jane Bimbin aya sheegay in shilal dhan 6 ay ka dhaceen goobta lagu magacaabo Jurbat ee u dhexeysa isgoyska Mau iyo Londiani .
Sarkaal ka tirsan maaamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka wadooyinka ee NTSA oo ka howlgalo ismaamulka Kericho laguna magacaabo , Mr Harrison Mutua ayaa ka dhawaajiyay in sababta ugu weyn ee shilalku ay u dhacaan ay tahay in baabuurta si xowli ah loo kaxeeyo.