SHARE

 

Gabar wax ka baranaysay dugsiga sare ee gabdhaha Moi magaaladatan Nairobi ayaa maanta waxaa lagu soo ogaay dacwado la xariira 9-kii gabdhood eek u dhitay dab ka kacay skuulka sare ee Gabdhaha Moi.
Garsoore Luka Kimaru ayaa gabadhani ku soo ogaay sagaal dacwadooda oo dil ah hase ahaate waa ay beenaysay eedeymahaasi loo soo jeediyay ardayadasi.
Qareenkii difaacayay inantani iyo waalidiinta dhalay ayaa maxkamada ka codsaday in ay ku sii daayaan damiin lacageed.
Hase yeeshee ciidamada booliska ayay maxkamada ku amartay in ay 7 cisho xabsiga ku sii hayaan si loo soo gabagabeeyo baaritaanaadeeda.
Si kastaba ahaatee waxaa la aqoonsaday Meydadka sagaalka oo labo toddobaad ka hor ku dhintay dab xoogan oo ka kacay qeybta Jiifka ee dugsiga sare gabdhaha Moi