SHARE

 

Maxkamad uu fadhigeedu yahay ismaamulka Kakamega ayaa dowlada ku amartay inay lacag dhan 200,000 siiso wiil 17 sano jir ah oo la sheegay in loo xiray sidii qof weyn oo kale.
Wiilkaasi oo lagu eedeyay inuu gabadh faraxumeeyay ayaa xabsiga ku jiray mudo hal sano ah.
Garsooraha kiiskaasi dhageysatay oo lagu magacaabo Hellen Omondi ayaa sheegtay in wiikaasi lagula kacay xadgudub takoor loo aaneynayo.
Dastuurka dalka ayaa dhigaya in qof kasta oo ka yar 18 sano u caruur yahay sidaas awgeedna anan sidii qof weyn loola dhaqmi Karin.
Dhanka kale waxaa maanta maxkamada la soo hor taagay goor dhowna dhageysiga kiiskeeda uu bilowday gabadh looga shakisanyahay inay laba todobaad ka hor dab qabadsiisay dugsiga sare ee gabdhaha ee Moi ee magaaladatani Nairobi halkaasi oo ay ku dhinteen 9 gabdhood halka ugu yaraan 50 kalena ay ku dhaawacmeen.
Todobaadkii la soo dhafay ayay ahayd markii maxkamada la soo taagay hasa ahaate booliska oo codsaday inay baaritaanada soo dhameystiraan aya lagu amray inay mudo 7 maalmood ah xabsiga ku sii hayaan.