SHARE

 

Dacwadaha la xariira xilalka kala duwan ee hogaanka ee doorashadii guud ee sanadkan loolan loo galay kuwaas oo ilaa iyo hada loo gudbiyay maxkamadaha dalka ayaa gaaraya 388.
Maxkamadaha sare ee dalka ayaa la geeyay 34 dacwadood oo looga soo horjeedo guushii u soo hooyatay musharaxiin ku soo baxay xilka gudoomiyanimo.
Senetarada ay guushoodu muran dhalisay ayaa ah 15 halka wakiilada haweenka ay tahay 12. .
Kuraasta xildhibaanada ee la isuku haysto ayaa gaaraya 98 halka kuwo wakiilada golaha hoose ee maamul goboleedyada ay yihiin ugu yaraan 166 .
Maamul goboleedka Nairobi ayaa ugu badan kiisaska maxkamadaha sare la geeyay ee looga soo horjeedo natiijadii ka soo baxday doorashadii guud ee bishii hore.
Musharaxiinta dacwadaha gudbiyay ayaa ku andacoonaya inay jirtay wax isdaba marin sidaas awgeedna ay maxkamada ka codsanayaan inay eegto in loolankaasi uu si cadaalad ah u dhacay.
Maxkamadaha dalka ayaa haysta mudo 6 bilood ah oo ay ku soo gabagabeyn karaan dhageysiga kiisaskaasi. Madaxa cadaalada ee dalka ayaa garsoorayaasha ku booriyay inay diirada saran cadeymaha la soo gudbiyo ee hadii ay yihiin kuwo wax ku ool ah lagu saleyn karo go’aanka laga qaadanayo dacwadahaasi.