SHARE

Ururka qaran oo ay ku bahobeen kalkaaliyaasha dalka ayaa golaha ay ku mideysanyihiin gudoomiyaasha ismaamulada kala duwan ee wadanka ee magiciisu loo soo gaabiyo COG u soo jeediyay inuu tixgeliyo wadahadal dhex mara oo ay sheegen inay diyaar u yihiin.
Waxay soo jeediyeen in laga wada hadlo waxyaabaha ay tabanayaan ka hor inta anan lagu dhaqaaqin talaabo howlwadeenada caafimaadka shaqada looga ceyrinayo.
Hadalka ka soo baxay ururka kalkaaliyaasha ayaa imanaya iyadoo gudoomiyaha golaha COG sido kalena ah gudoomiyaha maamul goboleedka Turkana Josphat Nanok uu meesha ka saaray in wadahadal dheeraad ah la yeesho.
Waxaa uu hogaamiyaasha kountiyada amar ku siiyay inay tallabo ka qadaan kalkaaliye kasta oo anan shaqadiisa dib ugu laabanin.
Mr Nanok ayaa ka dhawaajiyay in shaqa joojinta ay ku guda jiraan kalkaaliyaasha ay tahay mid sharci darro ah sida ay go’aamisay maxkamada shaqaalaha sidaas awgeedna la doonayo in xilalkoodu ay sarakiil hor leh buuxiyaan.
Hasa ahaate gudoomiyaha ururka kalkaaliyaasha Alfred Obengo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wadahal xal waara looga gaaro Isfahan waaga taagan.