SHARE

Xalima Yacquub ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee wadanka Singapore ka noqoto madaxweyne iyadoo anan loo codeynin kadib markii aysan soo bixin musharaxiin xilkaasi kula tartamo.
Waxay horay u ahayd gudoomiyaha baarlamaanka bulshada muslimiinta ah ee laga tirada badanyahay ee Malay.
Inay xilkaasi qabato ayaa waxaa suura gal ka dhigay talaabo ay maamulada dalkaasi bishan gudaheeda ku sheegen in musharaxiinta kale aysan ka soo bixin shuruudii la rabay.
Xalima Yacquub oo 63 sano jir ah ayaa la filaya in la dhaariyo maalinta berrI oo khamiis ah.