SHARE

Dowlada Baxrayn ayaa sheegtay in qarax maalintii jimcada lala eegtay dhuunta shidaal ee ugu weyn ee wadankaasi uu ahaa mid argagixiso oo lala xariirinayo iiraan.
Wasaarada arrimaha gudaha ee Baxrayn ayaa qoraal ay shabakadeeda rasmiga ah soo dhigtay ku sheegtay in falkaasi uu ahaa mid khatar ah oo la doonayay in lagu carqaladeeyo dhaqalaha dowladaas sido kalena lagu waxyeeleyo badqabka shacabka.
Wasiiirka wasaarada arrimaha gudaha ee Baxrayn Sheekh Rashid bin Cabdullah al-Khalifa aya bayaanka uu soo saaray ku sheegay in falalkii argagixisada ee xiliyadii ugu danbeeyay saameeyay dalkaasi ay ahayeen kuwo ay fuliyeen sida uu hadalka u dhigay dad xariir toos ah la leh ama ka amar qaata iiraan.
Hasa ahaate Baxram Qassemi oo ah afhayeenka wasaarada arrimaha dibada ee Iiraan ayaa eedeyntaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay.