Ciidamada Spain oo sheegay inay soo badbadiyeen in ka badan 250 qof oo muhaajiriin ah

Ciidamada dalka Spain ayaa sheegay in tahriibayaal ay tiradoodu kor u dhafeyso 250 oo ay caruur ka mid yihiin ay ka soo badbadiyeen badda Mediterranean-ka xili ay isku dayayeen inay u gudbaan qaarada Yurub.
Sarakiisha ilaalada badda ee Spain ayaa barta Twitarka ku soo qoray in 251 qof laga so badbaadiyay 5 doomood .
Waxaa tan iyo sanadii la soo dhafay sara u kacday tirada muhaajiriinta ee adeegsanaya badda ee gaaray Spain waxaa ayna tiradaasi sanadkan 2017-ka noqotay ku dhawaad 15,585 sida laga soo xigtay hay’ada caalamiga ee socdaalka ee IOM.
Dhanka kale Talyaniga ayaa waxaa tan iyo bilowgii sanadkan gaaray 114,400 qof .
Hay ‘ada IOM ayaa sheegtay in 156 qof ay dhinteen sanadkan gudihiisa iyagoo doonaya inay Spain gudaha u galaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *