SHARE

Doorashadii sadeexaad ee loogu tartamaayo kursiga ugu sareeya S/Land ayaa la filayaa in ay berri oo isniina ka dhacdo goboladda iyo deegaanada hoos yimaada maamulkaasi.
Doorashadan waxaa ku loolamaya sadexda xisbi qaran ee Soomaaliland oo kala ah Kulmiye oo hada talada Somaliland haya iyo labada xisbi mucaaarad ee kala ah UCID iyo WADANI.
Iyadoo hal maalin oo qudha ay naga xigto xiliga ay shacabka Somaliland u dareerayaan koobaha codbixinta ayaanan hadana la saadaalin Karin cida ku soo baxaysa loolankaan xilka madaxweynaha.
dadka ka faalooda arimaha doorashooyinku ayaa sheegay in xisbiga Talada Somaliland hada haya ee Kulmiye iyo xisbiga Mucaaridka ee Wadani ay aad isugu dhaw yihiin xaga taageerista marka loo eego xisbiga kale ee mucaarada UCID.
Gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba hakad kooban la galinayo baraha ay bulshadu ku wada xiriirto,ilaa inta lagu dhawaaqayo natiijada rasmiga ah ee doorashada.
Dhinaca kale shacabka S/land ayaa aad ugu diyaar garoobay doorashadan waxaana guud ahaan deegaanada Somaliland laga dareemayaan baratanka loogu jiro xilka madaxweynaha Somaliland.
Goobjoogayaal caalami ah oo ka socda ilaa 27 wadan kana gooban ilaa 60- xubnood ayaa S/Land, ku sugan waxayna dusha kala socon doonan habsami u socodka doorashada madaxtooyada Soomaaliland oo hal maalin kadib ka dhacaysa dhamaan gobolada ay ka arimiso somaliland