Dowladda Mareykanka oo ka horimaaday in AMISOM ay Soomaaliya ka baxdo Soomaaliya

 

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ka codsatay in ay kusii nagaadaan Soomaaliya oo aysan ka bixin madama wali ay xuntahay amniga Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ballaarin doonto howlgalka AMISOM si loo ciribtiro Al-Shabaab.
Waxa ay sidoo kale dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay sii kordheyso khatarta Al-shabab ee Soomaaliya.
Wohlers Marion oo ah Sarkaalka Xafiiska arrimaha dibadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa yiri ma taageerayno in AMISOM ay hada kabaxdo Soomaaliya, iyadoo aan ognahay in xaaladda amni xuma ee Soomaaliya ay sii kordhayso.
Mas’uulkan ayaa intaa kudaray in dowladda Mareykanka ay dooneyso in la taageero ciidamada dowladda Soomaaliya ilaa iyo inta ay awood uga yeelanayaan la wareegida amaanka dalkooda.
Dhawaan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in 1,000 askari oo ah qaybta 2-aad ay ka baxaan Soomaaliya bisha May ee soo Socota.
Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan shaqaalaheeda ku amartay inay ka soo baxaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho madama ay dowladda Mareykanka sheegtay in xaaladda amni ee Muqdisho ay tahay mid halis ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *