SHARE

Waxaa maalinta Berri oo Isniin ah Taariikhudna ay ku beegan tahay 13-ka November lagu wadaa in Soomaaliland ay ka dhacdo Doorashada heer Madaxweyne.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland Cabdi qaadir Iimaan Warsame ayaa shacabka karaka codbixinta qaatay ugu baqay inaysan khasaarin karaka, islamarkaana ay doortaan cida ay doonayaan.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Saciid Cali Muuse ayaa sheegay codbixiyeyaasha maalinta codeynta ay dhaceyso in aysan soo xiran karin astaan muujineysa xisbiga ay taageersan yihiin.
Waxaa sanadkan doorasha madaxtinimada Soomaalilanda kutartamaya musharaxiinta kala ah Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxman Cabdulahi Cirro iyo Muuse Biixi Cabdi.
Shacabka Soomaaliland ayaa isku diyaarinayaan doorashada, iyadoona lagu wado in markii labaad deeganada Soomaaliland ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Ammaanka guud ee Soomaaliland ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka iyo goobaha ay ka dhacayaan codbixinta la soo dhoobay Ciidamo Boolis ah oo badan.