SHARE

Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Museveni iyo dhigiisa Tanzaniya John Magufuli ayaa canbaareeyya go’aan ka soo baxay maxkamada caalamiga ee dembiyada dagaalka ee loo yaqaano ICC-da oo ahaa in baaritaano lagu sameynayo dembiyo dagaal oo la sheegay in laga geystay gudaha Burundi.
Labadan mas’uul ayaa sheegay in tallabadaasi ay saameyn ku yeelanayso dadaalada la xariira amniga gobolka.
Maalintii khamiista ayay ahayd markii maxkamada ICC-da ay amar ku bixisay in la baaro dembiyo ka dhacay wadanka Burundi intii u dhexeysay bishii afaraad ee sanadii 2015-kii ilaa iyo bishii tobnaad ee sanadkan.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Tanzaniya ayaa lagu sheegay in Yoweri Museveni oo ah gudoomiyaha jaaliyada bariga Afrika ee EAC uu ka soo horjeedo go’aanka maxkamada.
Bayaankaasi ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Tanzaniya uu booqasho seddex maalmood ah ku tagay Ugandha halkaasi oo uu kula kulmay dhigiisa wadankaasi.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee Tanzaniya ayaa dhankiisa sheegay in jaaliyada EAC ay wado dadaalo nabad iyo dhex dhexaadin ah sidaas awgeedna talaabada ICC-da ay caqabad ku noqon karto.