SHARE

Madaxweynaha wadanka Togo Faure Gnassingbe ayaa garabka mucaaradka ee dalkaasi ku eedeyay inay ka danbeyeen rabshado lagu dilay ugu yaraan 16 qof xili guud ahaan Togo ay ka dhaceen dibadbaxyo dowlada looga soo horjeedo.
Dibadbaxyada ayaa soo bilowday dabayaqadii bishii sideeead ee sanadkan waxaana ilaa iyo xiligaasi ku dhaawacmay in ka badan 200 oo qof.
Garabka mucaaradka ee Togo ayaa ku baaqay in madaxweyne Gnassingbe uu xilkiisa iska casilay sido kalena dastuurka wadankaasi lagu soo daro in laba xili ka badan uusan madaxweyne hogaan hayn Karin.
Madaxweynaha oo booqday saldhig militari oo ku yaalo meel masaafa dhan 200 oo kilomitir u jirt magaalada Lome aya sheegay in mudaaharaadyada aysan ahayn kuwo nabad ah.
Faure Gnassingbe ayaa talada Togo hayay tan iyo sanadii 2005-tii halka aabihii oo uu xilka kala wareegay uu wadankaasi ka talinayay 38 sano.