Mid ka mid ah shaqsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha oo soo jeediyay in shaqada laga eryo Fazul Maxamad

Okiya Omtatah oo ka mid ah shaqsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha ayaa soo jeediyay inuu xafiiska baneeyo Fazul Maxamad oo ah agaasimaha gudiga dowlada dhexe u qaabilsan hay’adaha anan dowliga ahayn.
Waxa uu Mr. Omtatah ka dhawaajiyay in hadii mudo 14 maalmood gudahood ah uusan xafiiska baneynin agaasimaha, uu maxkamada aadayo.
Waxa uu warqad u qoray wasaarada arrimaha gudaha , gudiga adeega dadweynaha iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Mr.Omtatah ayaa ku andacoonaya in mudadii seddexda sano ahayd ee la doonayay inuu Mr. Fazul xilkaasi hayo ay dhamaatay.
Sido kale waxaa uu ka dhawajiyay in mudada Fazul ay rasmi ahaan dhamaneyso 23-ka bishan hasa ahaate laga doonayo inuu fasax sii qaato.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *