SHARE

Hogaamiyaasha urur weynaha mucaaradka Nasa ayaa galinka dambe ee maanta lagu wadaa inuu isu soo bax siyaasadeed oo ballaran ku qabto fagaaraha Jakacaranda ee degaanka Embakasi ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa la filaya inay diirada saaraan golaha dadweynaha ee ay dhawaan shaaca ka qadeen.
Isu soo baxan ayaa imaanaya iyadoo ilaa iyo hada golaha ismaamulada kala ah Busia, Vihiga, Homa Bay iyo Siaya ay meel mariyeen mooshin ku saabsan in golaha shacabka la soo dhiso.
Hasa ahaate taliyaha booliska ee maamul goboleedka Nairobi Japheth Koome ayaa sheegay in Nasa aysan ku wargelinin inay isu soo bax qabanayaan.
Waxaa uu ka dhawaajiyay in madaxda laga doonayo inay sharciga u hogaansamaan oo ay booliska ku wargeliyaan xiliyada ay isu soo baxyada siyaasadeed qabanayaan ama dibadbaxyada.