SHARE

Wasaarada caafimaadka ee ismaamulka Mombasa ayaa wado olole ay dawooyin ugu qeybinayso dadka caadeystay isticmaalka daroogada .
Wasiirka caafimaadka ee Mombasa Anisa Bakhazaal ayaa sheegtay in dadka inta badan daroogada isticmaalo ay halis ugu jiraan cudurka AIDS-ka.
Waxaa ay ka dhawaajisay in dadka ku nool gudaha dalka ee uu saameeyay cudurka AIDS-ka isku celcelis ahaan ay yihiin boqolkiba 6 hasa ahaate shaqsiyaadka daroogada isticmaalo oo ay suura gal tahay inuu AIDS-ka ku dhaco ay yihiin boqolkiba 18.
Mrs. Anisa aya sheegtay in markii laga soo tago in dadkaasi la siiyo daawo jirkooda ka saareysa daroogada ay barteen sido kalena laga baarayo xanuunka AIDS-ka.