SHARE

Ugu yaraan 400 oo xabaal wadareedyo ah ayaa lagu soo waramayaa in laga helay dalka Ciraaq sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada wadankaasi.
Xabaal wadareedyadan aya lagu arkay meel u dhow magaalada Hawija.
Bishii Oktoobar ee sanadkan ayay ahayd markii Daacish laga saaray magaaladaasi .
Guddoomiyaha gobolka Kirkuk ayaa ka dhawaajiyay in xabaalaha laga helay saldhig ku yaalla waqooyiga dalkaasi Ciraaq.
Waxaa uu gudoomiyuhu intaasi ku daray in qaar ka mid ah dadka meydadkoodu la helay loo galiyay dhar isku nooc ah.
Dharkaasi ayaa kooxda ISIS waxaa ay u xirtaa dadka ay dil ku xukunto.