SHARE

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacmeen shil ka dhacay jamhuuriyada dimuqaradiyada kongo ee DRC kadib markii uu tareen burburay.
Shirkada qaran ee tareenada ee Kongo aya sheegtay in tareenkaasi uu burbur soo gaaray galinkii danbe ee shalay kadibna uu dab qabsaday xili uu marayay meel u dhow goobta loo yaqaano Buyofwe ee ku taalo gobolka koonfureed ee Lualaba sida laga soo xigtay sarkaal boolis ah oo lagu magacabo Simon Tongwa.
Waxaa uu Mr. Simon intaasi ku daray in tareenka shilka galay uu siday alaab, dad rakaab ah iyo foostooyinka shidaalka.
Sido kale sarkaal ayaa sheegay in ciidamada booliska ay guda galeen baaritaano dhacdadaasi la xariira si loo ogaado sababta keentay shilkaasi.