SHARE

Gudoomiyaha baarlamaanka ee dalka Justin muturi ayaa ka digay in xildhibaanada ka soo jeedo xisbiga muxaafidka ee jubilee ay soo dhisayaan gudiyada golaha sharci dejinta hadii ugu danbeyn dhamaadka bishan garabka mucaaradka ee Nasa uusan soo gudbinin magacyada xubnaha u matalaya gudiyadasi.
Hadalka Mr. Muturi ayaa imaanaya iyadoo dhigiisa aqalka sare Ken Lusaka uu Nasa u qabtay ilaa iyo 20-ka bishan si ay u soo gudbiyaan magacyada senetarada ku biirayo gudiyada senetka.
Waxaa uu gudoomiyaha baarlamaanka ka dhawaajiyay inay qasab tahay in howlaha golahaasi ay sii socdaan.
Mucaaradka Nasa ayaa senetarka ismaamulka Bungoma Moses Wetang’ula u soo magacaabay inuu noqdo hogaamiyaha xubnaha laga tirada badanyahay ee aqalka sare halka mudanaha laga soo doortay degaanka Suba John Mbadi uu garabka mucaaradka ee dalka ku hogaaminayo baarlamaanka.
Hasa ahaate waxaa mudo qaadatay welina lagu howlanyahay in la soo magacaabo ku xigeenada Mr. Wetangula iyo Mr. Mbadi.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa diiday magacaabista Mr. Mbadi isagoo sheegay in anan lagu wargelinin qaabkii lagu soo xushay.