SHARE

Gudoomiye ku xigeenkii ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga ayaa maanta lagu wadaa in loo dhaariyo xilkii gudoomiyanimo ee uu baneeyay Dr. Wahome Gakuru oo maalmo ka hor shil ku dhintay.
Mudo sagaal bilood gudahood ah waxaa dhintay laba gudoomiye oo hogaaminayay maamul goboleedka Nyeri.
Bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii Nderitu Gachagua oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay uu geeriyooday kadib markii in mudo ah uu la ildaranaa xanuunka kansarka.
Xaflada lagu dhaarinayo Mr Kahiga aya meesha ka saareysa walaac ay muujinayeen shacabka ismaamulkaasi kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaar ka mid ah hogaamiyaasha degaanadaasi ay isku dayayaan inan mas’uulkan la dhaarin.
Hasa ahaate xildhibaanka laga soo doortay magaalada Nyeri Ngunjiri Wambugu ayaa shacabka ismaamulkaasi un xaqiijiyay in dhamaan hogaamiyaasha ka soo jeedo Nyeri ay diyaar u yihiin in gudoomiye ku xigeenka uu la wareego hogaanka maamul goboleedkaasi.