SHARE

Ugu yaraan 145 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dhul gariir xooggan oo cabirkiisu lagu qiyaasay 7.3 oo ku dhuftay wadamada Ciraaq iyo Iiraan.
Musiibadan ayaa ka dhacday gobolka ku dhow xadka ay wadagaan labadan dal.
Afhayeenka waaxda maareynta musiibooyinka ee iiraan Behnam Saceedi, ayaa sheegay in ugu yaraan 141 qof ay dhinteen halka in ka badan 850 kalena ay dhaawacmeen.
Dhulgariirka ayaa laga dareemay gobolo badan oo ku yaalo iiraan waxaase uu si weyn u gilgilay gobolka Kermanshah oo looga dhawaqay seddex maalmood oo baroordiiq ah.
Dadka ay waxyeelada soo gaartay in ka badan 97 oo ka mid ah ayaa ka soo jeedo magaalada Sarpol-e Zahab ee gobolka Kermanshah oo masaafo dhan 15 kiilomitir u jirta xadka kala qeybiyo Iiraan iyo Ciraaq.
Waxay wararku intaa ku darayaan in ugu yaraan 4 qof oo kale ay ku dhimatay dalka Ciraaq halka in ka badan 50 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gareen.
Masaajidda caasimadda Ciraaq ee Baqdaad ayaa salaad iyo duco laga billaabay .