Madaxweynaha dalka oo sheegay in si buuxda loo tageerayo ciidamada amniga

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sarakiisha iyo laamaha amniga u balanqaaday inay dowlada si buuxda u taagereyso si loogu fududeeyo u adeegida shacabka.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada si weyn loo qalabeynayo, tababaro iyo daryeel ku filana la siinayo.
Waxaa uu Mr. Kenyatta sheegay in daryeelka ciidamada amniga uu qeyb ka yahay qorshaha dowlada iyo waxyaabaha ay mudnaanta koowaad siin doonto.
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay xili uu ka qeyb galay munaasabad sanadla ah oo loogu duceeyo sido kalena loogu mahadceliyo sarakiisha iyo qoysaskooda oo lagu qabtay magaaladatani Nairobi.
Munaasabadaasi ayaa waxaa sido kale ka qeyb galay madaxda ciidamada booliska, waaxda dembi barista , sarakiisha asluubta, ciidamada waaxda duurjoogta, keymaha iyo waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS.
Madaxweynaha ayaa ciidamada kala duwan uga mahadceliyay inay dalka iyo dadka si daacad ah ugu adeegayaan isagoo xusay noolosha intii dhimatay iyagoo wadanka difaacaya.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *