SHARE

Ra’iisul wasaarihii dalka Lubnaan ee maalmo ka hor iscasilay Sacad Al-Xariiri oo markii ugu horeysay hadal jeediyay tan iyo intii uu tallabadaasi qaaday ayaa sheegay in kooxda Xizbullah oo garab ka heleysa iiraan ay sabab u tahay dhibaatooyinka siyaasaded ee dalkaasi ka taagan iyo sido kale inuu xilkiisii iska casilay
Waxaa uu sheegay inuusan ka soo horjeedin Xizbullah hasa ahaate aysan sabab u noqon Karin burburka Lubnaan.
Sido kale sacad Al-Xariiri ayaa ka dhawaajiyay inuu goor dhow dalksiia dib ugu laabanaya oo ay suura gal tahay inuu ka laabto tallabadii uu isku casilay in kastoo sida uu hadalka u dhigay taasi ay ku xiran tahay haddi Xisbulaah ay ogolaato inay faraha kala baxdo hurinta colaada gobolka.
Sacad Al-Xariiri ayaa 4-tii bishan Novembar isagoo ku sugan magaalada Riyaadh ee boqortooyada sacuudi carabiya ku dhawaaqay inuu xilkiisi iska casilay.
Waxaa uu xiligaasi sheegay inuu nafsadiisa u baqay halka wareysi uu siiyay telefishinka Al-Mustaqbal ee ku yaalla Sacuudi Carabiya uu ku beeniyay wararka sheegaya inuu u dhaqmayo sida nin cadaadis lagu hayo.
Sido kale Sacad Al-Xariri ayaa sheegay in iiraan ay qasab tahay inay joojiso faragelinta arrimaha wadamada bariga dhexe.
Waxaa uu intaasi ku daray inay diidayaan in iiraan ay u adeegsato dagaal ka dhex qarxa dalalka bariga dhexe.