SHARE

In ka badan 10,000 oo qof oo ku nool degaanka Thika gaar ahaan magaalada Kiganjo ayaa hooy la’aan noqday kadib markii ay ku barakaceen daadad ka dhashay roobab xoogan oo halkaasi ka da’ay.
Fatahaadyada ayaa sido kale saameeyay magaalada Thika , xaafada Kisii ,Kamenu, Ngoingwa iyo xaafada isku raranta ee Kiandutu
Mid ka mid ah shacabka ku nool magaalada Kiganjo oo lagu magacaabo Joe Njoroge ayaa sheegay inuu dumay gidaar ku yaalo xaafada uu deganyahay.
Sido kale guriyo ku yaalo agagaarka saldhiga booliska ee juja ayay biyaha gudaha u galeen.
Waxaa dadka ay dhibaatada soo gaartay booqday xildhibaanka degaanka Thika Patrick Wainaina, gudoomiye ku xigeenka degaankasi Tom Anjere iyo Ferdinand Waititu oo ah gudoomiyaha ismaamulka Kiambu.
Mr Wainaina ayaa hay’ada laanqeerta cas ugu baaqay inay dhisto xarumo ku meel gaar ah oo lagu caawinayo qoysaska barakacay.