SHARE

Wasaarada gaadiidka, kaabayaasha wadooyinka , guriyeynta iyo hormarinta magalooyinka ayaa waaxda garsoorka ee dalka ku eedeysay habacsanaan ku aadan in dacwad lagu soo oogo sido kalena aysan dardargelinin in tallabo laga qaado shaqsiyaadka lala xariirriyo dhismooyinka dumo.
Xoghayaha wasaarada gaadiidka ee dalka Moses Nyakiongora aya sheeegay in maxkamadaha dalka oo anan tallabo degdeg ah ka qaadin qandaraasleyda iyo mulkiilayaasha guriyaha ay keentay inaan lagula xisaabtamin khasaraha ka dhasha dhismooyinka dumo oo dadka ku nool ay waxyeelo ka soo gaarto.
Waxaa uu xoghayuhu intaasi ku daray in sababta ugu weyn ee guriyaha ay u dumaan ay tahay in lagu dhiso qalab uusan tayadiisu wanaagsaneyn iyo qandaraasleey anan la diiwangelin.
Mr Nyakiongora ayaa ka dhawaajiyay in helidda cadaalada ay u muuqato mid soo dib dhacdo maadama sida uu hadalka u dhigay uusan weli arkin qof dacwad lagu soo oogay kadib markii u dumay dhisme uu gacanta ku hayay .
Xoghayaha wasaarada gaadiidka ee dalka ayaa sido kale sheegay in lacag dhan hal tiriliyoon oo shilin ay dowlada ku qarash gelin doonto in la dhiso in ka badan hal milyan oo guri oo dadweynaha qiimo ay awoodan looga kireyn doono.