SHARE

Wasiirka wasaarada caafimaadka ee dalka Dr. Cleopa Mailu ayaa sheegay in loo baahanyahay ugu yaraan 13.4 bilyan oo shilin si labada sano ee soo socoto caruurta 5 jirka ah iyo kuwa ka hooseeya looga baaro kadibna looga daweeyo cudurka limooniyada ama burukiitada.
Sido kale qarashkaasi ayaa loo adeegsan doona in la soo saaro daawo hor leh oo ay caruuta qaadan karaan.
Hadalkan ayuu wasiirku jeediyay xili uu shalay daahfuray munasabad lagu soo bandhigayay kaniiniga loo yaqaano Amoxycillin Dispersible tablets.
Waxaa uu dhamaan inta ay si gaar ah u khuseysa arrimaha caafimaadka ka codsaday inay wada shaqeyaan si loo yareeyo kiisaska dhimashada ee dhallaanka.
Ku dhawaad 68,000 oo caruur ah oo ku nool gudaha dalka ayaa u dhinta cudurka limooniyada iyo duumada ka hor inta aysan da’doodu gaarin 5 sano.