SHARE

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaad ee IEBC ayaa sharaxaad ka bixyay sababta doorashadii madaxtinimo ee ku celiska ahayd anan loogu qaban 25 ka mid ah degaan baarlamaneedyada dalka.
Waxa uu gudiga sheegay in sarakiisha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ee degaanadaasi la geeyay badankoodu ay soo qoreen warqado ku saabsan in loo caga jugleeyay ama la dhibateeyay.
Sarkaalkii IEBC u qaabilsanaa degaanka bartamaha Kisumu John Ngutai ay aka dhawajiyay in rabshadihii halkaasi ka taagnaa aysan suura gelinin in doorasho la qabto.
Waxaa uu gudigu soo diyariyay warqado dharasho ah oo ka yimid 25 sarkaal oo u matalayay degaanada ku yaalo gobolka Nyanza.
Sido kale gudiga inaysan doorasho ku celis ah deganadaasi ka dhicin u aaneyay in la xiray wadooyinkii loo mari lahaa goobaha codbixinta.