SHARE

Waaxda garsoorka ee dalka ayaa xariga ka jartay munaasabad sanadla ah oo loogu magacdaray todobaadka adeegga ee garsoorka si loo soo gabagabeeyo dhamaan kisaska ku saabsan caruurta ee hor yaala maxkamadaha dalka.
Garsoore ka howlgasho maxkamada racfaanka ee dalka oo lagu magacaabo Martha Koome ayaa sheegtay in xaakinada maxkamada ku yaalo guud ahaan dalka amar lagu siiyay in ugu danbeyn bisha Disembar ee sanadkan ay soo gabagabeyaan dacwadaha caruurta la xariirta.
Garsoore Koome ayaa ah gudoomiyaha gudiga gaarka ah ee golaha qaran ee maareynta cadaalada ee NCAJ.
Waxaa ay ka dhawajisay in waaxda garsoorka ee dalka ay ka go’antahay in la ilaaliyo xuquuqda caruurta sido kalena la tageero in la dardargeliyo barnaamijyada caruurta si gaar ah u tabanaya.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka ay balanqaaday in waaxda garsoorka ee dalka ah ka cawineyso in la dhageysto sido kalena go’aan laga soo saaro kiisaska caruurta saameynaya.
Maxkamada Makadara ee magaaladatani Nairobi ayaa waxaa hor yaala 51 kiis oo caruur ku saabsan oo la doonayo in la soo gabagabeeyo bisha Disembar ee sanadkan.