SHARE

Garsoorayaasha maxkamada ugu sareysa ee dalka ayaa maanta yeelanaya fadhi ay go’aan uga soo saarayaan qaabka loo wajihi karo dhageysiga dacwado loo soo gudbiyay oo ku aadan doorashadii madaxtinimo ee ku celiska ahayd ee dalka ka dhacday 26-kii bishii hore ee sanadkan.
Waxaa maxkamada la horgeeyay seddex dacwadood oo la doonayo in lagu soo gabagabeeyo 14 maalmood gudahood laga soo bilaabo maalintii loo gudbiyay.
Waa markii labaad mudo 3 bilood gudahood ah garsoorayasha uu hogaaminayo madaxa cadaalada ee dalka David Maraga dhageysan doonaan kiis ku saabsan doorasho madaxtinimo oo la qabtay.
Kiisaska maanta go’aan laga soo saarayo qaabka iyo mudada la dhageysan doono aya waxaa mid ka mid ah maxkamada u gudbiyay xildhibaankii horer ee degaanka Kilome Harun Mwau , mid ay si wada jir ah u geyeen Njonjo Mue iyo Khelef Khalifa oo labaduba u ololeeya xuquuqul insaanka iyo midka sedexaad oo uu maxkamada geeyay machadka maamul wanaaga dimuqaradiyada ku saleysan ee magiciisu loo soo gaabiyo IDG.
Fadhiga maxkamada ee maanta ayaa lagu wadaa inuu bilowdo 11-ka barqanimo iyadoo dhinacyada kala duwan ay soo bandhigayaan qareenada matalaya halka maxkamadana ay shaaca ka qaadi doonto mudada cid kasta loo qoondeyay inay cadeymaha ay hayso ku soo bandhigto.