SHARE

Hogaamiyaha dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad al-Thani ayaa maanta oo talaado ah sheegay in wadamada sacuudi carabiya, Baxrayn, Masar iyo isutaga imaraadka caraabta ee u jaray xariirkii diblooamisyeed ee kala dhexeyay aysan diyaar u ahayn in la xalliyo xurgufta ka dhex aloosan.
Waxa uu sheegay in wadamadan oo sido kale Qadar ku soo rogay xayiraad aysan daneynayn in xal kama dambeys ah la gaaro.
Hadalkan ayuu hogaamiyuhu jeediyay xili uu la hadlay xubnaha golaha wadatashiga ee wadamada khaliijka.
Waxaa uu ka dhawaajiyay in Qadar ay diyaar u tahay wax kasta oo horseedi karo in la heshiiyo khilaafka jirana la soo afjaro.
Dalalkan ayaa 5-tii bishii lixaad ee sanadkan xariirka u jaray Qadar kadib markii ay ku eedeyeen inay tageerto kooxaha argagixisada in kastoo ay eedeyntaasi iska fogeysay.
Waxa tallabadasi xigay xayiraad dhanka hawada, dhulka iyo badda ah oo xukuumada Dhooxa lagu gu’doominayo.