SHARE

Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee magaceedu loo soo gaabiyo UNHCR ayaa dowlada Australiya u soo jeedisay inay aqbasho codsiga uga yimd New Zealand ee ay dib u dejin ugu sameynayso 150 qof oo qaxooti ah kuwaasi oo ku sugan xarunta u muuqato mid la cidleeyay ee ku taalo Papua New Guinea.
Xaruntaasi ayaa waxaa ku jiro qiyaastii 450 qof oo ay haysato biyo iyo cunto la’aan.
Muuqaal la soo saaray 13-kii bishan ayaa muujinaya qaxooti dibadbax ka sameynaya gudaha xaruntaasi ku taalo jasiirada Manus.
Dadkan oo magan galya doon ah ayaa mudo laba todobaad ah halkaasi lagu hayay waxaa ayna ka soo horjeesteen isku dayga wadamada Australiya iyo Papua New Guinea ee ku aadan in xeradaasi la xiro maadama ay shegayaan inay nafsadoodi u baqayaan hadii goobo kale oo ku meel gaar ah loo wareejiyo