SHARE

Theresa May oo ah ra’iisul wasaaraha dalka Britain ayaa dowlada Ruushka dusha uga tuurtay eedeyn ku aadan in xukuumada Moscow ay faragelisay doorashooyinkii dalkaas horay uga dhacay awgeedna ay guda haleyso baaritaano dhanka intarneetka ah.
Hadalkan ayay sheegtay xili ay khudbad ka jeedinaysay magaalada London iyadoo carabka ku dhufatay in maamulka madaxweyne Vladimir Putin uu abuurayo sheekooyin been abuur ah.
Waxaa ay intaasi ku dartay in sheekoyinkaasi ay yihiin kuwo looga gol leeyahay in lagui muujiyo khilaaf ka dhexeyo wadamada reer galbeedka.
Hadalka Theresa May ayaa imaanaya iyadoo bisha soo socoto Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson lagu wadaa in uu Ruushka booqasho ku tago.