SHARE

Ugu yaraan 43 qof oo shacab ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay halka tiro kale oo dhowr ahna ay ku dhaawacmeen duqeymo dhanka cirka ah oo laga fuliyay suuq aad u mashquul badan oo ku yaalo magaalada al-Atarib ee gobolka Aleppo oo ku yaalo galbeedka Suuriya.
Hay’ada uu fadhigeedu yahay ingiriiska hasa ahaate dusha kala socoto arrimaha bani’adanimo ee Suuriya ayaa sheegtay inaysan weli kala cadeyn in weerarkaasi ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee suuriya ama kuwa Ruushka.
Muqaalo baraha bulsha ay ku wada xariirto la soo dhigay ayaa muujinaya burbur xoogan oo soo gaaray dhismooyinka magaladaasi.
Duqeymahan ayaa imaanaya wax ka yar laba todobaad un kadib markii wadahadalo nabadeed ay ka furmeen magaalada Astana ee dalka Kazakhstan oo wadamada Ruushka , Turkiga iyo iiraan ay ku doonayaan in la dhexdhexadiyo dowlada suuriya iyo mucaaradka ka soo horjeedo.
Gobolada la doonayo in dhinacyada ku hardamaya ay isku dhacyada soo afjaraan ayaa kala ah Idlib, Homs, Latakia, Aleppo iyo Hama waxaana ku nool 2.5 milyan oo qof.