SHARE

Waaxda dambi barista ee dalka Maraykanka ee magaceedu loo soo gaabiyo FBI-da ayaa warbixin sanadla ah oo ay soo saartay ku sheegtay in sanadii 2016-kii ay jireen kiisas badan oo naceybka ku saleysan oo laga geystay gudaha wadankaasi marka la barbardhigo sanadkii ka sii horeeyay.
Warbixinta ayaa waxaa qeyb ka ah macluumaad laga soo aruuriyay guud ahaan laamaha amniga ee Maraykanka waxaana la diiwangeliyay kiisas dhan 6,121.
Tirada kiisaskan ayaa la sheegay in boqolkiba 4.6 ay ka badantahay midii sanadii 2015-kii ee ahayd 5,850.
In ka badan kala bar falalka naceyb la xariira ayaa loo aaneyay midibka ama qabiilka qofka la dhibateeyay.
Boqolkiba 21 dhaco oo lagu dhibateeyay 7,509 qof waxaa lagu saleeyay takoor diimeed.
Waxay FBI-da sheegtay in muslimiinta iyo dadka yahuuda ah ay ugu badnayeen dadkii la bartilmaameedsaday.