SHARE

Wasaarada shaqaalaha ee dalka ayaa soo saartay digniin ku aadan in ururka qaran ee macalimiinta ee KNUT uu qabto codeyn xilka gudoomiyanimo lagala wareegayo Mudzo Nzili.
Waxaa ay maxkamada ka dhawaajisay in sarkaalkasi uusan weli gaarin da’adii uu howlgab ku noqon lahaa ee 60 sano ah.
Bayaan ay wasaarada soo saartay ayaa lagu sheegay inay sharci darro tahay in la qabto doorashada la qorsheeyay inay qabsoonto 14-ka bisha Disembar.
Bayaankaasi ayaa sido kale lagu sheegay in maadama aysan jirin xilal banaan oo la buuxinayo anan loo baahneyn in codeyn ay taarikhdaasi dhacdo.
Wasaarada ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in loo soo gudbiyay warqado Mudzo Nzili iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee KNUT Samson Kaguma ay arrintaasi uga soo horjeedaan.
Labadan mas’uul ayaa wasaarada u sheegay inaysan gaarin da’da ay sharci ahaan howlgab noqon karaan.
Arrintan ayaa timid kadib markii xoghayaha guud ee ururka macalimiinta ee KNUT Wilson Sossion uu Mr. Nzili ka codsaday inuu xili hore qaato fasax maadama sanadka soo socdo uu howlgab noqonaya hasa ahaate gudoomiyaha ayaa arrintaasi ka biya diiday oo tallabadaasi ku tilmaamay mid la doonayo inuu xili hore isaga baxo ururka qaran ee barayaasha.