SHARE

Shacabka reer Flastiyiin ayaa maanta magaalada Gaza ka dhigay dibadbaxyo waaweyn oo ay uga soo horjeedaan in Qudus loo aqoonsada inay tahay caasimadda Israa’iil.
Dadka Falastiiniyiinta waxay ugu magacdareen in Qudus ay noqoto caasimadda Israa’iil, “dhunkashada dhimashada” in ay ku noqoneyso hannaanka nabadda ee bariga Dhexe.
Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa dhawaan sheegay in magaalada Qudus loo aqoonsanayo caasimada Israil
Sidoo kale waxaa la filayaa in Trump uu shaaciyo in safaaradda Mareykanka ee ku taalla Tel Aviv loo raro Qudus balse waxay taasi qaadan kartaa sannado
Arrintan laga filayo dowladda Mareykanka ee ah in Qudus loo aqoonsado in ay tahay caasimadda Israa’iil ayaa dhalisay caro caalami ah iyo digniino.
Israa’iil waxay soo dhoweysay isbedelka laakiin Falastiiniyiinta iyo hoggaamiyayaasha Carabta ayaa ka digay khatarta arrintan ay u keeni karto hannaanada nabadda ee Bariga Dhexe.