SHARE

Maamulka Gal-Mudug iyo Ahlu Sunna ayaa heshiis ka kooban 14 qodob madatooyada Somaaliya ee Villa Soomaaliya.
Waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada Dowladda.
Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in hogaamiyaha Ahlu sunna sheikh Shaakir uu noqonaayo madaxa xukuumada dowlad Goboleedka Gal-Mudug.
Xilkan uu noqonaayo Sheekh Shaakir ayaa ah mid aysan horey u leheen maamulgoboleedyada ka jira dalka Soomaaliya.
Heshiiska ka dib ayaa lawada dhinac waxaty u mahad celiyeen dowladda federalka Soomaaliya hogankeeda sare oo waqti badan ku bixiyay kakungaarista heshiiskan.
Waxaa sidoo kale loo mahad celiyay dowladda Jabuuti, shacabkeeda iyo madaxweynahooha, dowladda Mareykanka, Boqortooyada dalka ingiriiska, ururka midowga Africa, urur Goboleedka IGAD, Qaramada midoobay,midowga yurub,ururka iskaashika khaliijka, Norway iyo Hay’aada Somali stability fund .