SHARE

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleemaan ayaa sheegay in wax miisaaniyad ah aysan dowladda kula heyn xubnaha garsoorka maamul goboleedyadda.
Waxa uu sheegay in aysan ka qadaan wax mushaar ama guno ah maamulada ay la shaqeyaan.
Waxa uu ka cadosaday wasiirka wasaaradda cadaaladda xukuumadda Somaaliya in uu horgeeyo shirka golaha wasiiradda ee Khamiislaha ah Arintaasi si garsoorka maamul gobaleedyadda ay xuquuq u yeeshaan looguna daro miisaaniyadda sanadlaha ah ee Dowladda.