SHARE

Ururka ay ku bahobeen haweenka qareenada ah ee magiciisu loo soo gaabiyo Fida ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta ka codsaday inuu golihiisa wasiirada ee uu soo magacaabayo ay todobo ka mid ah haween noqdaan.
Ms Josephine Wambua-Mongare oo ah gudoomiyaha FIDA-Kenya ayaa ka dhawaajisay in la doonayo in la tixgeliyo sharciga dastuuriga ah ee dhigaya in tirada shaqaalaha in ka badan laba meelood seddexdii melba aysan hal jinsiyad ah ka soo wada jeedi Karin.
Ms Mongare ayaa intaasi ku dartay in marka laga soo tago codsiga ay u jeedinayaan madaxweynaha dhanka kale ay doonayaan in haweenka wasiirada laga dhigayo ay yihiin kuwo qabashada xilkaasi u qalmo.
Sido kale gudoomiyaha Fida ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay madaxweynaha ku warejiyaan liiska haweenka ay isleeyihiin aqoon iyo waaya aragnimaba wey u leeyihiin inay wasiiro noqdaan.
Waxay carabka ku dhufatay in Fida ay ka mid tahay ururada si weyn u sugaya liiska golaha wasiirada ee uu madaxweynaha ku dhawaaqi doono.
Haweenka hada wasiirada ah ayaa waxaa ka mid ah Raychelle Omamo oo wasiirka gaashaandhigga, Phyllis Kandie wasiiradda jaaliyada bariga Afrika, shaqaalaha iyo badbaadada bulshada, Sicily Kariuki oo ah wasiirka adeega dadweynaha , dhalinyarada iyo arrimaha jinsiyada,Amina Maxamad oo ah wasiiradda arrimaha dibada iyo ganacsiga caalamiga iyo Judy Wakhungu oo ah wasiiradda degaanka.