SHARE

Waxaa dalka Nigeriya afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay dib loogu celiyay ugu yaraan 401 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadankaasi hasa ahaate ku jiray xabsiyo ku yaalo dalka Liibiya.
Afhayeenka ciidamada booliska ee gagida diyaaradaha ee magaalada Lagos Joseph Alabi, ayaa sheegay in 257 qof oo Nigeriyaan ah dalkaasi dib loogu celiyay kadib markii 144 kale ay horay u laabteen.
Dadkan iyaga ah ayaa isugu jiray 65 haween ah ,179 rag ah iyo 13 caruur ah oo qaar ka mid ah ay u baahanyihiin daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Wasaarada arrimaha dibada ee Nigeriya ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo arbaca ah ku sheegtay in ugu yaraan 2,778 qof oo shacabkeeda ka mid ah ay weli ku xannibanyihiin Liibiya.