SHARE

Waxaa heegan sare la geliyay sarakiisha caafimaadka ee ismaamulka Embu kadib markii la soo tabiyay seddex kiis oo hor leh oo la xariira cudurka daacuunka.
Kiisaskan ayaa laga soo sheegay seddex tuulo oo ku yaalo degaanka koonfurta Mbeere .
Dhacdooyinka hor leh ayaa tirada kiisaska daacuunka ee ismaamulkaasi laga soo tabiyay wax ka yar laba bilood ka dhigaya 53.
Ilaa iyo hada cudurka daacuunka ee ka dilaacay qeybo ka mid ah Embu ayaa galaaftay noolosha 3 qof.
Agaasimaha caafimaadka ee maamul goboleedka Embu Stephen Kaniaru ayaa sheegay in seddexda qof ee dhawaan laga helay daacuunka ay ka soo jeedaan tuulooyinka kala ah Rwika, Kabuguri iyo Nganduri oo ku tiirsan biyaha webiga loo yaqaano Thiba.
Waxaa uu agaasimuhu intaasi ku daray inay suura gal tahay in dadkaasi uu xanuunkan saameyay kadib markii ay ka cunteyeen goobo anan nadaafada u tixgelin sida la doonayo.