SHARE

Madaxweynaha dalka Ruushka ayaa maanta shaaca ka qaaday inu mar afaraad uu isu soo sharaxaayo xilka madaxtinimada ee ruushka.
Doorashada xilka madaxtinimada wadanka Ruushka ayaa dhaceysaa sanadka soo socda ee 2018.
Mr Putin oo hada daa’diisu ay tahay 65 jir ayaa xilkaasi soo hayay tani iyo sanadii 2000, wuxuuna soo noqday raiisul’wasare.
Haddii uu ku guuleysto mar afaraad xilka madaxweyne ayaa waxaa ay ka dhignaan doontaa in uu haynayo xilkaasi ilaa sannadka 2024-ta. Sharciga dalka Ruushka ayaa dhigaya in ruuxii jagada madaxweyne ku guuleysta uu haynayo mudo lix sano ah.
Maanta ayuu hadalkan jeediyay xili uu kulan kal qeyb galay shaqaale kuwaasi oo aad u soo dhaweeyay go’aankisa uu ku doonayo inuu mar afarad noqdo madaxweynaha Ruushka.
Madaxweyne Vladimir Putin ayay boqolkiiba dadka dalkiisu aad u jecel yihiin, waxayna ku jeclaadeen go`aanada adag ee uu qaato iyo waliba in uusan cid uga daba fariisan danta dalka Ruushka iyo go` aanka shacabkiisa.