SHARE

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa qalinka ku duugay lacag loogu talagalay inay dowlada qaran siiso maamul goboleedyada dalka ka jiraa.
Xiligii uu Hindise sharciyeedkan qalinka ku duugayay madaxweynaha dalka ayaa waxaa wehelinayay madaxweyne kuxigeenka dalka William Ruto, madaxa waaxda adeegga dadweynaha iyo shaqalaha dowlada Joseph Kinyua, Afhayeenka Golaha baarlamaanka dalka Justin Muturi iyo dhiggiisa Senateka Kenneth Lusaka, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda, Baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doortay Garissa TownShip Aadan Bare Ducaale iyo Hogaamiyaha Aqlabiyadda ee Golaha Guurtida Senateka Kipchumba.
Madaxweyne Kenyaatta ayaa sheegay in bixinta Miisaaniyaddan ay awood u siin doonto in dowlad goboleedyada dalka ay waajibaadkoodu ka soo bixi doonaan.
Tan ayaa imaanaysaa ka dib markii maamul goboleedyada dalka uu ku yimaaday hoos u dhac dhanka Dakhliga ah.
Bishi 7-aad ee sanadkan ayaa lagu waday in qarashaad la siiyo maamulada degmooyiinka ee dalka hase ahaate waxaa ku yimid dib u dhac.
Dib u dhacani waxaa ay gavanarada dalka ku eedeeyeen wasiirka maaliyada dalka Henry Rotich.
Hase yeeshee Henry Rotich ayaa iska fogeeyay eedeeynta ay u soo jeediyeen maamulda gobolada dalka.