SHARE

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maanta oo arbaco ah taarikduna ay ku beegantahay 6-da Disembar lagu wadaa inuu shaaca ka qaado in dowladiisa ay magaalada Quddus ama Jerusaleem ee Falastiin u aqoonsatay inay tahay magaala madaxda Israa’iil si Safaarada Maraykanka uu ku leeyahay magaalada Tel Aviv loogu raro Quddus.
Sarakiil sar sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in hogaamiyaha ugu sareeya ee Maraykanka laga sugayo inuu ku dhawaaqo qorshaha maamulkiisa .
Waxay sarakiisha intaasi ku dareen in talaabada safaarada Maraykanka ee israa’iil loogu wareejinayo Quddus inay sanado qaadaneyso.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay isa soo tareyso cambareynta la xariirta qorshaha uu Donald Trump damacsanyahay inuu ka dhabeeyo.
Hay’ada iskaashiga wadamada islaamka ee OIC ayaa sheegtay inay ka soo horjeedo qorshaha Maraykanka maadama sida ay hadalka u dhigtay ay wax u dhimeyso maqaamka Quddus oo magaalo taariikhi ah.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa dhankiisa wacad ku maray inuu xariirka dibloomaasiyeed u jarayo Israa’iil hadii safaarada Maraykanka ee Tel Aviv loo wareejiyo Jerusaleem.
Madaxweyne Donald Trump ayaa dhanka kale hogaamiyaasha Falastiin, Jordan iyo Masar ku wargeliyay arrinta uu damacsanyahay ee la filayo in maanta uu si rasmi ah u soo bandhigo.
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa qorshahaasi ka digay waxaa uuna ka dhawaajiyay inay cawaaqib xumo ka dhalan karto.